GALALAATI Burburkii Jamhuuriyaddii Soomaalida (1960-1991): (Somali Edition)
- 408 Seiten
- 15 Lesestunden
Buuggan "Galalaati" waxa uu si qumman u lafagurayaa dawladnimadii Jamhuuriyaddii soomaalida ee curatay 1960, burburtayna 1991, goortii ay burburtay, sidii ay u burburtay iyo wixii burburiyey. Waxa uu isweydiinayaa soddonka sano marka saddex tobnaad loo qaybiyo, tobanka si gaar ah loogu tiriyo burburka: Ma tobankii hore, ma tobankii dhexe mise tobankii u dambeeyey? Waxa kale oo uu innagu baraarujinayaa saddex xilli oo dawladnimada soomaalidu burburtay balse aan dhug loo yeelan, ayse tahay in dib loo milicsado oo looga tusaale qaato hagaajinta timaaddada.
